Allbanaadir.com
DIINTAMUQDISHO

Maxaa ka jira in la soo furtay Haweeney Jarmal ah oo lix bil ka hor Muqdisho laga qafaashay?

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay tebinayaan qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho  ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ay xalay soo furteen Haweeney u dhalatay dalka Germany oo bishii 5aad ee sanadkan laga afduubtay Magaalada Muqdisho.

Idaacadda Mustaqbal oo ku taalla Muqdisho oo soo xiganeysa saraakiil aysan magac dhabin ayaa baahisay in Sonja Nientiet oo ka tirsaneyd Hay’adda Laanqeyrta Cas ee caalamiga ah laga soo furtay koox hubeysan oo ku heysatay degaan  ka mid ah Gobolka Galguduud.

Lama faahfaahin qaabka uu howgalkaas u dhacay iyo haddii uu jiro khasaare ka dhashay .

Haweeneydan ayaa laga afduubtay xarunta Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Magaalada Muqdisho, waxaana afduubkaas geystay shaqaale ka tirsanaa isla hay’addaas, isagoo sababay in Hay’adda ay joojiso howlihii ay ka wadday Soomaaliya.

Heyadda ICRC iyo dowlada federaalka Somalia ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin wararka sheegaya sii deynta haweeneydan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Madaxtooyada Hirshabelle & Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Maamulka Gedo oo ka soo horjeestay go’aankii doorashada looga wareejiyey Garbahaarey

Caydiid Ali

Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland & Ilaaladiisa oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---