Waa immisa tirada rasmiga ah ee ciidamada dowlada Somalia u diiwaan gashan?

La-taliyaha amniga ee Madaxweynaha Somalia Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in Ciidamada rasmiga ah ee u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 kun oo askari.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay horumar ka sameysay dhinaca dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo tirakoobkooda.

“Sagaalka kun ee askari waa kuwo diiiwaangashan oo la ogyahay meelaha ay kala joogaan isla markaana leh koontooyin Bangi oo bil kasta loogu shubo lacagta Mushaharka ah” ayuu yiri Cabdi Siciid.

La-taliyaha Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u habeynta ciidamada Xoogga dalka ay ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu uu ku galay doorashada, ayna muuqato in haatan arintaas si weyn loogu guuleystay, isagoo xusay in yar ee dhiman lagu guda jiro dhameystirkeeda.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii la soo dhaafay AMISOM ku amray in ay dhimaan ciidamada ka jooga Soomaaliya, amnigana ku wareejiyaan Ciidanka xoogga dalka.

Masuuliyiinta dowlada ayaa sheegay in markii ay xilka qabanayeen labo sano ka hor ay la kulmeen ciidanka dowlada oo aan laheyn tirakoob rasmi ah balse haatan ay ku sameeyeen dib u habeyn ballaaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -