Wasiirkii labaad ee ka tirsan Xukuumada Somalia oo shaaciyey inuu iscasilay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yarow ayaa goor dhow shaaciyey inuu iskana casilay xilkii.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu xilka iska casilo, maadaama uu yahay Musharax xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay inuu u hoggaansamay shuruudii Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo aheyd in qof haya xil Wasiir aanu tartami karin, illaa uu iska casilo xilka uu uu xukuumada ka hayo.

“Waan iska casilay xilka Wasiir ku-xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana u gudbiyay warqadii istiqaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka” ayuu yiri Ibraahim Isaaq Yarow.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu buuxiyo shuruudii guddiga, isla markaana la siiyay shahaadadii Musharaxnimo ee xilka Guddoomiyaha Baarlamanka.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa noqonaya Wasiirkii labaad ee iska casila golaha wasiirada Somalia si ay uga qeyb qaataan tartanka doorashada gudoomiyaha golaha shacabka.

Saacado ka hor ayey aheyd markii Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu iska casilay xilka isagoo ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada gudoomiyaha golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -