Baaritaanka ku socda Madaxweyne Trump oo marxalad cusub oo xasaasi ah galaya

Sharciyaqaanada ama Qareenada Madaxweynaha Maraykanka ayaa wadahadal la leh baareyaasha doonaya inay su’aalo waydiiyaan Madaxweynaha, arrintaas oo qayb ka ah baaritaanka ay waddo waaxda Caddaaladda.

Saraakiil ka tirsan aqalka cad ayaa Wargeyska Washington Post u sheegay inay macquul tahay in Robert Mueller oo baaritaanka wada uu su’aalo waydiiyo Madaxweynaha maalmaha soo socda inkastoo qareenada Trump aysan xaqiijinin warkan.

Mueller ayaa baaritaan ku haya in wadashaqayn ay dhex martay kooxdii Trump u qaabilsanayd ololahii doorashada Maraykanka iyo Ruushka.

Xiisadda dhex taalla Muller oo ah dacwad oogasha khaaska ah ee baaritaanka ku haya in Ruushku uu farogalin sameeyay iyo Madaxweynaha Maraykanka ayaa sare u kacday ka dib markii baaritaankaasi uu horseeday in dacwado lagu soo oogo dhowr ruux oo horay uga soo mid noqday kooxdii ololaha doorashada ee Trump.

Trump ayaa diiday inuu wax wadashaqayn ah kala yeesheen Ruushka arrimo doorashada ku saabsan, isagoo baaritaanka la wado ku tilmaamay quraafaad aan jirin iyo waqti lumis aan loo baahneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -