Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in si fudud ku qabsan karaan magaalada Garawe

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo shalay gobolka Sool deegaano katirsan ku dhax maray Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Faysal Waraabe ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada Somaliland guul uu sheegay in ay shalay ka gaareen dagaalkii ay ciidamada maamulka Puntland kula galeen Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

”Waxaan hambalyo u dirayaa ciidamada geesiyaasha iyo Madaxweynaha cusub oo fuliyay balantii aheyd in uu soo celinayo taako kasta oo ka maqan Somaliland , berahan waxaa jira qolo is xulufeesay oo doonaya in ay maja xaabiyaan Somaliland” Ayuu iri Faysal Waraabe.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo in dagaalanka wax ka maleegay, waxa uuna sheegay in Farmaajo doonayo in uu ku qariyo Siyaasiyiinta guryahooda Muqdisho lagu weeraray si diirada loo saaro dagaalka.

Waxa uu ku hanjabay Faysal Cali Waraabe in aysan waxbo ka xigin in ay si fudud ku qabsadaan magaalada Garawe oo caasimada u ah maamulka Puntland, waxa uuna uga digay Madaxweyne Gaas in uu joojiyo faragalinta uu wado.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili shalay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay ka dhaceen deegaano hoostaga gobolka Sool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -