Allbanaadir.com
NEWS

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ka jawaabtay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga (Akhriso)

Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeesatay qoraal ka soo baxay dhowaan Wasaaradda ganacsiga xukuumada Somalia oo sheegayey in la xaliyey khilaafkii ka taagnaa mudooyinkan Rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Maxamuud Cabdi Cali (Gabayre) oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga ayaa sheegay in qoraalka ka soo baxay Wasiiraddii xilka laga qaaday ee Wasaarada ganacsiga uu ahaa mid lala yaabo oo sii hurinaya khilaafka markii horeba ka taagnaa rugta ganacsiga, waxaana qoraalka lagu xusay ineysan aqoonsaneyn warqada ay soo saartay Wasiiradda xilka ka degtay iyo waxyaabaha ku qoran.

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa mudooyinkanba ka dhex aloosnaa khilaaf dhinaca Maamulka ah oo sababay iney laba garab u kala jabaan.

Qoraalka maanta ka soo baxay dhinac ka mid ah Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa u qornaa sidatan:-

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya oo digniin culus soo saaray

Caydiid Ali

Kheyre oo baxaya wax yar kadib, Wararkii ugu dambeeyay Galmudug & ganacsatada qaadka oo..

admin

Khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho oo sii kordhay iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade