Ciidamo Boolis cusub oo bilaabay iney la Wareegaan amniga Muqdisho (Sawirro)

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ciidamo cusub oo boolis ah ku wareejiyey saldhigyada degmooyinka Muqdisho.

Ciidamadan ayaa ayaa ka qeyb qaadanaya xoojinta amniga degmooyinka Gobolka Banaadir sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.

Raisul Wasaaraha Somalia ayaa dhowaan ciidamadan Booliska ah u soo xiray tababar muddo dhowr bilood ah lagu siiyay dugsiga tababarada Jan. Kaahiye ee Magalada Muqdisho, waxaana saldhigyadii ugu horeeyay ee la geeyay ka mid ah degmooyinka Wadajir Kaaraan, iyo Waaberi.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka maamul ahaan garab taagan yihiin,waxana uu ugu mahada celiyay Madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay ciidanka kusoo biiriyeen dhalinyaro wax baratay.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Wadajir  Cumar Cabdullaahi ayaa isna soo dhaweeyay ciidamadaas booliska ah ee la geeyay degmadiisa, isagoo xusay in looga fadhiyo isbedel iney ku sameeyaan xaalada amniga. degaanka

Ciidamadan Booliska ayaa saacadaha soo socda la geyn doonaa saldhigyada kale ee booliska gobolka Banaadir, lamana oga illaa hadda waxa ay kaga duwan yihiin ciidamadii ka horeeyey ee joogay saldhigyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -