Madaxda dalka Kenya oo ka duceesanaya Dambiyada iyo Tuugnimada (Daawo Sawirro)

Dalka Kenya waxaa lagu qabtay munaasabad Qaran oo ay kasoo qeyb galeen madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale Madax iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi.

Munaasabadan oo la qabanayay 17-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa kasoo qeyb galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto, madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo madax kale.

Madaxda ka qeyb gashay munaasabada ayaa khudbado kala duwan jeediyay, waxa ayna inta badan ka hadlayeen dambiyada iyo tuugnimada dhibaatada ay leeyihiin iyagoona arintaasi ka duceesanayay.

Munaasabadan lagu qabtay dalka Kenya ee looga duceesanayay tuugnimada ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada dalka Kenya, waxa ayna dadka Kenyanka munaasabadan ka dhiibteen aragtiyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -