Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Somalia oo si adag uga hadashay Dadkii ay laayeen Ciidamada AMISOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dhacdadii ka dhacday degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir 6dii Nofeembar 2018ka, taas oo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna ku naf waayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wargelinaysaa Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya in si degdeg ah loo soo dhammeystiro baaritaanka dhacdadan, loona hor keeno sharciga cid kasta oo ay ku caddaato in ay ku lug lahayd. Dowladda Soomaaliya waxa ay billaabeysaa baaritaan gaar ah oo la xiriira dhacdadan.

Inkasta oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya garowsantahay duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada dalalka aan walaalaha nahay ee kamidka ah hawlgalka AMISOM iyo dhiigga ay ku bixinayaan nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, haddana waajibka ugu horreeya ee dowladda Soomaaliya waa ilaalinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Goleyaasha Dowladda waxa ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku geeriyooday dahcdadan, waxa ayna farayaan hay’adaha ay quseyso la socoshada iyo daryeelka caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi & Wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar Ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday xero ay joogeen Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo goordhaw kusoo laabtay Muqdisho kaddib markii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---