Haweeney Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade Maraykan ah (Sawirro)

Haweeney Soomaali ah ayaa loo doortay xubin ka tirsan golaha degaanka ee South Portland City ee dalka Mareykanka.

Deeqa Dhalac ayaa ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi kaasoo magaciisa la yiraahdo Donald Cook.

Haweeneydan Soomalaida ah oo horay uga shaqeyn jirtay arrimaha bulshada ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah oo degaankaasi laga doorto, iyadoo doorashadan ay ahayd mid gaar ah, kaddib markii uu ninkii xilka hayey iska casilay.

Donald cook oo ah ninka ay  Deeqa ka guulaysatay ayaa nin aad caan u ah oo ganacsiyo ku leh magaaladaas isagoo helay 700 oo cod halka ay Deeqo heshay codad ka badan 1,400 oo ah laba jibaar tirada uu helay Donald.

Deeqa ayaa waxa ay daganayd magaalada South Portland muddo 10 sano ah, waxa ayna ka soo qabatay barnaamijyo kala duwan sida qaybta xanaanada carruurta, qaybta guryaha ee magaalada iyo barnaamijyo caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -