Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Axmed Ciise Cawed oo maanta la kulmay Boqorka Sacuudiga

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Mudane, Axmed Ciise Cawed, ayaa Maanta oo Arbaca ah kulan kula qaatay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud.

Shirka ayaa looga hadlay ,sidii loo adkayn lahaa xiriirka Labada Dowladood, adkaynta ammaanka Gobolka Geeska Afrika, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay  Soomaaliya u horreyso.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kulan la qaatay Wasiirrrada arrimaha dibedda ee Dalalka Masar, Jabuti, Suudaan iyo Yemen, kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee kulaala Badda Cas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan ku Saabsan Horumarinta iyo Dib u dhiska dalka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

admin

Ciidamada dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo isku diyaarinaya guluf dagaal (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha booliska Somalia oo codsi muhiim ah hordhigay Danjire David Concar (Daawo sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---