Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland: Miisaaniyadii abid ugu badneyd ee sanadka 2023 oo la ansixiyey (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenada ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajandaha fadhiga ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda sannadka 2023 taasoo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay.

Miisaaniyada Puntland ee Sannadka 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023, taasoo bilaabneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2023 kuna eg December 31, 2023 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan waxa uu noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040

Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha Masar iyo Madax kale oo kulan sagootin la qaatay Ilyas Sheekh Cumar (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay lahaayeen Ciidanada Nabad Sugida Jubbaland

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Cadaado goordhaw geeyay Madaxweyne Deni (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---