WhatsApp oo dhawwaan billaabaysa hab cusub oo dad badan ay hal mar isku wici karaan

Barta ay dadka badan kuwada sheekeestaan ee WhatsApp ayaa maalmaha soo socda soo  bandhigi doonto hannaan cusub oo ay dadka isticmaala isku wici karaan, iyagoo adeegsanaya mareeg la wadaagi karo.

Milkiilaha shirkadda tiknolojiyadda Meta, Mark Zuckerberg, ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in todobaadka soo socda bartan lagu soo kordhin doono hannaankan cusub ee dadka badan halmar kuwada xiriiri karaan.

Mark Zuckerberg, ayaa sheegay Hannaankan cusub ee WhatsApp lagu soo kordhinayo  loogu magac daray “Call Links”, kaa oo isticmaalaha u sahlaysa inuu sameeyo link ay ku soo biiri karaan illaa 32 qof oo kale oo hal mar wada sheekeesan kara.

“Waxaynu WhatsApp-ka ku soo daraynaa hab wax lagu waco laga bilaabo todobaadkan, markaas oo aad dadka la wadaagi kartid link aad wicitaan ku samayn kartid. Sidoo kale waxaynu tijaabinaynaa hannaan muuqaal aanan xogtiisa la jabsan karin oo ay soo geli karaan illaa 32 qof. Dhawaan fisha xog intaasi dheer” ayuu yiri Mark Zuckerberg.

Bartan bulshadda ee WhatsApp oo ay ku xiran yihiin boqollaalka milyan ee qof ayaa isbadalo kala duwan lagu sameenayay muddooyinkii dambe, waxaana maamulka shirkadda Meta ee leh bartan qorsheenayaan in barnaamijyo kale soo kordhiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -