Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cudurka COVID-19 oo mar kale ku sii xoogeysana Shiinaha iyo kumanaan qof oo..

Shiinaha ayaa sheegay, in Jimcihi shalay la diiwaangeliyay ilaa 35,183 kiis oo la xiriira cudurka COVID-19, diiwaankaasi oo noqday kii ugu badnaa saddexdi maalin ee lasoo dhaafay.

Cudurka COVID-19 ayaa markiisii hore kasoo biloowday magaalada Wuahan ee bartamaha Shiinaha, dhamaadki sannadki 2019-ki, kahor inta uusan ku faafin dunida inteeda kale.

Ma jirto wax dhimasho ah oo ay Waaxda Caafimaadku shaacisay, hase yeeshee magaalooyinka waaweyn ayaa la daalaa dhacaya tiro aad u badan oo uu soo ridanayo cudur-sidaha keena xanuunka COVID-19.

Meelaha ugu badan ee kiisaskan cusub laga soo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah magaalada koofureed ee Guangzhou iyo magaalada koofurgalbeed dhacda ee Chongqing.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saanad & hub ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo u gacan galay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowladda oo amartay in la joojiyo dhismooyin ka socda dhulal kuyaalla Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade

Maxay reer galbeedku ku horumareen, reer barrigana dib dhigay?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---