Telefshinka Al carabia ayaa baahiyey iney baxsadeen xubno ka mid ah wafdi uu horkacayey Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Soomaaliya uga qeybgalay shirka 113aad ee Ururka Shaqaallaha Aduunka oo ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Xubnaha wafdiga oo ka koobnaa illaa 23 xubnood ayaa waxaa shirkaas ka qeyb galay 10 xubnood oo kaliya halka 13kaa kale oo qaab tahriib ah lagu waday ay ku baxsadeen gudaha dalka Switzerland iyo dalalka kale ee Yurub.
Xubnaha ayaa qofkiiba laga qaatay lacag kumanaan dolar gaaraya oo looga iibsaday Viisaha Switzerland si loo gaarsiiyo Yurub, waxaana lacagtaas faraha badan kala qeybsaday masuuliyinta wafdiga hogaaminaya oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFSÂ Yuusuf Maxamed Aadan & Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Soomaaliya ayaa horey u beenisay dhacdadan dadka tahriibayaasha ee galay yurub loogu daray wafdiga dowlada
HOOS KA DAAWO WARKA TELESHIHINKA AL ARABIA EE LA XIRIIRA DHACDADAN..