Milatariga Iran, ayaa xalay weerar culus oo aargoosi ah waxa ay ku qaadeen Israa’iil, waxaana weerarkan ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka dhismayaal badan iyo baabuur.
Gantaalaha Iran ku garaacday Israa’iil ayaa ku hoobtay magaalada Tel Aviv, waxaana guul dareestay nidaamka difaaca Israa’iil oo ku guul dareestay in uu kahor tago gantaalada Iran ku weerartay Israa’iil.
Inta la xaqiijiyay ilaa hadda hal qof oo haweeney ah ayaa ku dhimatay weerarka Iran ku qaaday Israa’iil, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 50 qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.
Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay sawirada iyo muuqaallo laga soo qaaday dhismayaal badan oo weerarka Iran geesatay ku burburay, waxaa sidoo kale burburay gaadiid kala duwan.
Israa’iil ayaana shacabkeeda ugu baaqday in gantaalada Iran gabaad ka galaan gaar ahaan dhulka hoostiisa, waxaana wali jira cabsi laga qabo in weerarada labada dhimac u dhaxeeya sii xoogeestaan.