Dowlada Somalia oo dib u dhis ku sameyneysa Xaruntii Turubataariyo (Daawo Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta ciidanka ilaalada canshuuraha ee loo yaqaan (Turubataariyo) isagoo sheegay  inay  saldhig u tahay hagaajinta hannaanka canshuur qaadista.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan dhagax dhignay xaruntii canshuur ilaaliyeyaasha ama ama turabataariyo ciidanka ilaalinta canshuurta ka shaqeeyo, waxay sal u yihiin ururinta canshuuraha iyadoo la raacayo sharciga dalka u dhigan” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen. Cabdulaahi xasan Bariise oo uga Mahad celiyay dadaaalka Wasaaradda Maaliyadda dhismaha xaruntan ayaa ka hadlay muhiimadeeda.

“Waa sharaf iyo karaamo dib u dhiska xarunta ciidanka ilaalinta canshuuraha, sidan marar badanba idin kugu sheegay waxay si toos ah ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda, dakhliga uruurintiisa iyo xafidida goobtii la geeyo ciidankii u tababarnaa oo aqoonta u lahaa waaye,” ayuu yiri Gen. Bariise.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kale dhagax dhigay dhismaha  machadka dhaqaalaha dalka iyo 5 xarumood kale oo loogu talagalay canshuuraha, waxaana uu tilmaamay dhismaha shirkadaha maxaliga ay u tartameen kuna guuleysteen shirkadaha ka shaqeyanaya oo la filayo inay dhismaha dhammeystiraan bisha  Luulyo ee sanadkan.

Dhismaha xarumahani oo loogu talagalay canshuur qaadista ayaa ku soo beegmaya xili Soomaaliya ay sameynayso kobac dhaqaale oo xooggan daqliga dowladda soo gala oo ay masuul ka tahay wasaaradda Maaliayada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -