Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo xirtay Safaaradaha ay ku leedahay dalalka caalamka

Israa’iil ayaa xirtay oo albaabada isugu dhufatay gebi ahaanba safaaradaha ay ku leedahay caalamka, waxaana ay digniin xoogan u dirtay muwaadiniinteeda oo ay ku boorisay inay feejignaadaan oo aanay goobaha caamka ah ama fagaarayaasha kusoo bandhigin astaanta Yuhuudda iyo Israa’iil, sida lagu sheegay qoraallo lagu daabacay boggaga safaaradaha maanta oo jimco ah ka dib markii Israa’iil ay weerarro waaweyn ku qaadday Iran.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Israa’iil aysan bixin doonin adeegyada qunsuliyadaha waxayna ku booriyeen muwaadiniinta inay la shaqeeyaan adeegyada amniga maxalliga ah haddii ay la kulmaan dhaqdhaqaaqyo cadawtinimo ah.

Wax waqti ah lama sheegin inta ay safaaradaha xirnaan doonaan, qof taleefoon ka jawaabay safaarada Isreal ee Berlin ma bixin wax tafaasiil dheeraad ah oo intaasi ka badan.

“Marka la eego horumarradii ugu dambeeyay, hawlgallada Israel ee adduunka waa la xirayaa, lamana bixin doono adeegyada qunsuliyada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz oo la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Jarmalku uu xoojinayo ilaalinta goobaha Yuhuuda iyo Israel.

Maanta oo jimca ah Israa’iil waxay sheegtay inay weerartay xarumaha Nukliyeerka iyo warshadaha Gantaalada ee Iiraan, ayna ku dishay tiro badan oo taliyeyaal ciidan ah, taasoo noqon karta hawlgal daba dheeraaday oo looga hortagayo in Tehran ay sameysato hubka Nuclearka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay weerarka ay iyada isu keentay iyada oo iska caabinaysa dalabaadka Maraykanka ee wadahadalka lagu xakameynayo barnaamijkeeda Nukliyeerka, wuxuuna ku booriyay inay heshiis la gasho, waxaana uu Trump hadalkiisa intaas kusii daray Weerarada soo socda ee horay loo qorsheeyay ayaa xitaa ka sii daran”.

Warka Trump ayaa u muuqda in Iran ay kusoo socdaan weeraro kale oo kuwa maanta lagu qaaday kasii daran, kuwaas oo xaalada uga sii dari kara.

Su’aasha isweydiinta mudan oo ay is weydiinayaan dadka odorosa arrimaha barriga dhexe ayaa ah jawaabta ay Iran weerarkan ka bixin doonto.

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Uganda oo Shaacisay in Al Shabaab nolosha ku qabteen qaar kamid ah askartooda

Cabdi Cade

Dhismaha Tayaatarka Qaranka oo heer gabo gabo ah maraya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---