Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka DF oo ka hor yimid talaabo uu qaaday Xassan Shiikh

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukumay oo haatan mucaarad ah ayaa si weyn uga walaacsan go’aan ay sheegeen inuu yahay hal dhinac oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojisay qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah.

Arrintan ayay ku sheegeen in ay si weyn u dhaawacayso iskaashiga wax ku oolka ah ee dhinacyada gudaha iyo dibadda, taasoo ka tarjumeysa go’doon siyaasadeed oo sii xoogeysanaya iyo fashilka dowladda ee ku saabsan wada shaqeynta qaran iyo midda caalami.

Qoraalka ay soo saareen Mucaaradka ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu qaaday tallaabooyin siyaasad ahaan khatar ku ah hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xadgudubka xuquuqda axsaabta siyaasadeed, adeegsiga awood ciidan si aan sharciga waafaqsanayn, kordhinta saamaynta sharci-dejinta ee Baarlamaanka, caburinta warbaahinta madax-bannaan, iyo kala fogaanshaha xulafada beesha caalamka.

Hadalka mucaaradka ayaa yimid ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay hoos u dhigtay sharciyadda kaalinta Xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ee Arrimaha gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warqadan oo lagu socodsiiyay James Swan ayaa waxaa lagu sheegay in kaalinta C6+ billowgeedii hore loogu tala galay marxaladii ay Soomaaliya ku jirtay xilligii KMG oo hey’adaha dowladduna ay curdun ahaayeen, balse hadda oo dowladnimadu ay si dhameystiran u shaqeyneyso aanay jirin sabab ay Beesha Caalamku kaalin toos ah ugu yeeshaan siyaasadda gudaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay C6+ inuu yahay qaab dhismeed laga guuray oo ujeedadii markii hore loo sameeyay aysan hadda jirin, waxayna ugu baaqday saaxibadda Beesha Caalamka inay Soomaaliya kula xiriiraan qaababka la isla oggol yahay oo ay u soo maraan hey’adaha sharciga ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MUCAARADKA

Related posts

Ciidamo iskaashanaya oo saaka degaano Muhiim ah kala wareegay Al-shabaab

Caydiid Ali

R/W Rooble oo tagay Dhismihii ay ka guurtay Safaarada Qadar iyo Jidka la furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Tartankii degmooyinka G/Banaadir oo caawa la soo xiray (Yaa ku guuleystay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---