R/W Rooble oo tagay Dhismihii ay ka guurtay Safaarada Qadar iyo Jidka la furay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray dhismihii ay ka guurtay Safaarada Qadar ee kuyaalay inta u dhaxeysa Madaxtooyada Cabdiqaasim iyo KM-4 ,kadib markii dib loo furay jidkaasi oo u xirnaa Safaarada Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda.

“Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -