Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamo iskaashanaya oo saaka degaano Muhiim ah kala wareegay Al-shabaab

Ciidanka Komaandoska ee Danab iyo ciidanka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa saaka la wareegay degaanada saaran Jiinka Wabiga ee hoos taga degmadda Jamaame ee ee gobolka Jubbada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in aroortii hore ciidanka ay dagaal kula wareegeen tuulada Malayley oo kaabiga ku haysa degmadda Jamaame.

Degaanka lala wareegay waxaa uu xarun kooxda Al-Shabaab, iyadoo saraakiisha ciidamada horkacaya ay sheegeen in Al-shabaab ay ku hagaajin jireen halkaas walxaha Qarxa sida Miinoyinka wadadada la dhigo.

“Goobtan iyo xarumo kale oo gediga kale ee Wabiga ahba waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa Jubbaland ee isku garabsanaya la dagaalanka kooxda argagixisadda Al-Shabaab ee uu gabalkooda dhacay” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidankaas.

Degmada Jamaame oo ciidamada iskaashanaya ay ku sii siqayaan ayaa waxaa muddo dheer gacanta ku haya xoogaga Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo digniin adag u jeedisay Shirkadda dayuuradaha British Airweys (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga a gudoomay danjireyaal cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Markab dagaal oo leedahay Iran oo si kam ah loo bur buriyay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---