Ilo sirdoon oo ka tirsan Israa’iil oo la hadlay warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa sida uu ku warramay telefishinka Channel 12 , waxaa ay si faahfaahsan u sharxay howlgal militari oo ballaaran oo Mossad ka fulisay gudaha Iran, taasoo loo kala qeybiyay saddex hawlgal oo kala duwan:
- Weerar lagu beegsaday bartamaha Iran:
Kooxo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mossad – kuwaasoo ah kooxo weerar oo si gaar ah u tababaran – ayaa si dhuumaaleysi ah uga hawlgalay bartamaha Iran. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay fidiyaan nidaamyo hub casri ah oo lagu hago si sax ah (precision-guided weapons) iyagoo ku aasay dhul bannaan oo ku dhow meelo ay ku yaallaan nidaamyada gantaalaha ka hortagga diyaaradaha (SAM – Surface-to-Air Missiles) ee Iran, kuwaasoo si buuxda loo hawlgeliyay xalay weerarkii dhacay.
- Dhiibitaanka tiknoolajiyad qarsoon oo lagu daciifinayo difaaca cirka ee Iran:
Hawlgal labaad oo si qarsoodi ah u dhacay, kana mid ah dadaallada lagu daciifinayo awoodda difaaca cirka ee Iran – taasoo halis ku ah diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil – ayaa lagu beegay gaadiid iyo qalab muhiim u ah nidaamka difaaca Iran. Kooxo sirdoon ah oo hoos yimaada Mossad ayaa si xeeladaysan ugu rakibay tiknoolajiyad casri ah oo weerar ah (offensive systems) gaadiidka, si loo joojiyo ama loo carqaladeeyo awoodda Iran u leedahay inay weerarto diyaaradaha Israa’iil.
- Saldhig qarsoon oo laga hawlgeliyay diyaarado qarxa (explosive drones):
Hawlgalka saddexaad ee ay fuliyeen Mossad ayaa ahaa mid muddo dheer ka hor la sii qorsheeyay, iyadoo saldhigyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo qarxa laga hirgaliyay gudaha Iran. Saldhiggani wuxuu ahaa mid si qoto dheer loogu dhex dhisay gudaha dalka Iran iyadoo loo maray shabakado sirdoon. Intii lagu jiray weerarka Israa’iil ee la fuliyay, diyaaradahaas qarxa ee horay loo sii diyaariyay ayaa la hawlgeliyay waxaana si toos ah loogu weeraray goobo ay yaalleen gantaalaha riddada fog (surface-to-surface missiles – SGMs) oo ku yaalla saldhigga Asfaqabad ee duleedka Tehran, halkaasoo loo arko in ay tahay goob halis ku ah bartilmaameedyada istiraatiijiga ah ee Israa’iil iyo shacabka Israa’iil.
Warbixintani waxay muujinaysaa in weerarradii Israa’iil ku qaaday Iran aysan ahayn oo keliya gantaallo ama weerarro cirka ah, balse ay horay u socdeen howlgal sirdoon oo dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamada khaaska ah ee Mossad. Tani waxay tilmaamaysaa in weerarka uu ahaa mid si qoto dheer loo qorsheeyay, loogana shaqeeyay gudaha Iran lafteeda, taasoo cabsi hor leh ku abuureysa laamaha amniga Iran. Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay tani ka dhigan tahay in Israa’iil ay heysato awood sirdoon iyo galitaan gudaha ah oo weyn.
Warbixinta, waxaa kaloo ay fikrad naga siinaysa dilalka taliyayaasha sare iyo saynisyahannada Iran, inan lagu geysan duqeymo ee sidoo kale weerarro gudaha ay ka qeybqaateen,tan oo aan tixraac ka dhigan karno weerarrada saakay ka dhacay Tehran inay ku jireen weerarro loo diyaariyay hab la mid ah weerarkii loo adeegsaday walxaha qarxa oo sariirta uu ku seexanayay loogu xiray hoggaamiyihii hore ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniya oo sannadkii hore lagu dilay gudaha Tehran.
Waxaa cajiib ah in Israel awoodi waayeen Sirdoonkeeda inay ogaadaan halka ay ku suganyihiin Dadka looga haysto GAZA oo ah meel yar oo dhinac walba ka hareeraysan .
Taas badalkeeda Sirdoonka Israel waxaa u suurta gashay iney si dhameystiran u hesho xogta Saraakiisha Ciidanka ugu Sarreeya IRAN iyo weliba Aqoonyahanada Nukiliyeerka dalkaas ayadoo intooda badan ku qaarajisay Goobihii ay ku sugnaayeen.
IMAN JAMA