Israa’iil ayaa gudaha Iran ka fulisay weerar aan horey uga dhicin gobolka bariga dhexe oo dhaliyay , in la cirib-tiro maskaxda militari iyo saynisyahannadii nukliyeerka— waxaa la dilay taliyayaashii militariga u sarreeyay oo taliyaha guud iyo taliyaha ilaalada kacaanka uu ku jiray.
Weerarka wuxuu ahaa mid fadeexad sirdoon iyo difaac dhabarka u saaray Iran. Balse waxaa jira hal magac oo saameyntiisa muddo dheer laga dareemi doono gudaha Iran oo saakay ay gaartay Israa’iil inay disho.
Cali Shamkhani, oo ah lataliyihii gaarka ahaa ee hoggaamiyaha sare ee Iran iyo xubin si weyn loogu tirin jiray inuu noqon karo beddelka Ayatollah Khamenei Dhimashadiisa waxay calaamad u tahay inay Iran lumisay maskaxdii istaraatijiyadeed ee ugu saameynta badnayd ee nidaamka Kacaanka Islaamiga ah.
Shamkhani, oo kasoo jeeda beesha Carabta ee Khuzestan, wuxuu ahaa mid ka mid ah siyaasad-yahannada faro ku tiriska ah ee isku dhafay khibrad milatari, sirdoon, iyo diblomaasiyad. Wuxuu ka tirsanaa ciidamada badda ee IRGC, wuxuuna qaatay doorkii wasiirka difaaca intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2005, isagoo si toos ah ugu dhowaa madaxtooyadii Khamenei.
Laakiin saameyntiisa dhabta ah waxay cirka isku shareertay markii loo magacaabay Xoghayaha Golaha Ammaanka Qaranka Iran (SNSC) sanadkii 2013. Tan iyo markaas, Shamkhani wuxuu noqday xudunta dhabta ah ee go’aan qaadashada difaaca Iran – isagoo xiriir adag la lahaa:
Taliska IRGC – wuxuu ahaa marin dhexe oo isku xira taliska ciidanka iyo hay’adaha siyaasadeed.
Diblomaasiyadda Nukliyeerka – wuxuu door muuqda ku lahaa wada xaajoodyadii heshiiska nukliyeerka.
Siyasadda gobolka – wuxuu ahaa gacanta midig ee Tehran u adeegsato xiriirka Xisbullah, Xuutiyiinta Yemen, iyo kooxaha kale ee hubeysan.
Wuxuu ahaa qofkii saxiixay oo dhammeystiray heshiiska dib loogu soo celiyay xiriirka Iran iyo Sacuudiga ee Shiinaha uu dhex dhexaadiyay! Waxaa gudaha Iran , looga aqoonsanaa jirida salka adag ee Iran ay ku taagantahay!
La’aantiis Iran ma yeelan doontaa isku xirnaanta awoodaha gudaha?
Warbaahinta gudaha Iran sida Tasnim News iyo Mehr ayaa tilmaamay in geerida Shamkhani ay tahay “khasaare qaran oo xagga xeel-dheeri iyo mideynta awoodaha ah.” Waxaa la sheegay inuu ahaa ninka keliya ee awood u lahaa inuu mar walba dhexda ka istaago oo xalliya khilaafaadka u dhexeeya madaxweynaha, taliyayaasha IRGC, iyo xafiiska hoggaamiyaha sare.
Ilaa hadda, ma jiro shaqsi si cad loo filayo inuu buuxiyo booskiisa. In kasta oo Ali Akbar Ahmadian, taliyihii hore ee warfaafinta IRGC, lagu beddelay Shamkhani sanadkii 2023, haddana khibrad diblomaasiyadeed ma laha, xiriirna kuma lahan dalalka carabta si lamid ah Shamkhani.
Geerida Shamkhani, waa dhabar-jab istaraatiijiyadeed
Dilkii Cali Shamkhani wuxuu calaamad u yahay kala-dillaaca awoodda gudaha ee Iran, xilli ay dalkaasi uu wajahayo cunaqabatayn caalami ah, khilaafaad gudaha ah, iyo culeys ka imaanaya dhanka Mareykanka, Israa’iil iyo xulafadooda.
Sida uu qoray wariyaha siyaasadda Bariga Dhexe ee Al Jazeera:
“Iran waxay lumisay ma ahan oo keliya hoggaamiye militari, balse waa maskaxdii abaabulka istaraatijiyadda gobolka. Saameynta Shamkhani waa mid la dareemi doono muddo dheer.”