Israa’iil, waxay ku guul darraystay inay gaarto xarunta ay ka socota horumarinta u sarreysa ee nukliyeerka Iran ee Fordow, oo ku taal dhulka hoostiisa ee buuraleyda deyrka leh ee koonfurta caasimadda Tehran, iyadoo goobtan la sheegay inay diyaaradaha Israa’iil ku guul darraysteen inay la gaaraan bambooyinka, taasoo ka dhigan inay Iran awood u leedahay inay xaruntan u rogto goobta u horreysa ee ay ka soo saarto bambada nukliyeerka!
Markii u horreysay sirdoonka reer galbeedka ayaa sannadkii 2019-kii oggaaday jiritaanka xarunta nukliyeer ee Fordow. Ilaha hadda xaqiijiyay bedqabka xaruntan iyo inaysan Israa’iil la gaarin weerarradeeda waxaa ka mid ah hay’adda Tamarta Atoomikada ee Caalamiga ah.
Wasiirka difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh ayaa waxyar ku dhow ku dhawaaqay in la tijaabiyay hub cusub oo lagu qalabeeyay ciidanka Iran , isagoo inta ku daray jawaabta Iran ka bixinayso weerarka Israa’iil inay noqonayso mid aan xad lahayn!
Warsaxaafadeed ay sii daayeen ciidanka Iran, oo weerarka Israa’iil ku lumiyay saraakiishii u sarreeyay oo taliyaha guud uu ku jiray, ayaa lagu sheegay ; “Waxaan dadkeenna u xaqiijinaynaa in jawaabta aan ka bixinayno weerarka Israa’iil ay noqon doonto mid adag oo ba’an.”
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka , Ingiriiska iyo Isra’iil ayaa si wadajir ah uga qeybqaatay howlgal looga hortagay boqollaal diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo Iran ay ku weerartay Israa’iil, oo lagu burburiyay hawada Ciraaq iyo Suuriya!
Weerarka diyaaradaha aan duuliyaha aan lahayn , qeyb kama aha jawaabta ay Iran doonayso inay ka bixiso weerarrada ay saakay Israa’iil ka geysatay gudaha Iran , iyadoo saraakiisha Iran ay sheegeen inay bixin doonaan jawaab heer gobol ah.
Ciidamada amaanka ee Jordan ayaa cod baahiye ugu sheegaya dadka reer Jordan in ay guryahooda ku nagaadaan, sida uu baahiyay telefishinka Al Jazeera.
Israa’iil ayaa saaka gudaha Iran ka fulisay weerar aan horey uga dhicin gobolka bariga dhexe oo dhaliyay , in la cirib-tiro maskaxda militari iyo saynisyahannadii nukliyeerka— waxaa la dilay taliyayaashii militariga u sarreeyay oo taliyaha guud iyo taliyaha ilaalada kacaanka uu ku jiray.