Israel ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday goobo ka tirsan xarumaha Milatari ee Iran, waxayna dileen qaar kamid ah raggii ugu sareeyay gaashaandhiga dalkaas, iyo sidoo kale saynisyahandii waday howsha bacriminta Nukliyeerka.
Saraakiishii ay Israel dishay waxaa kamid ah;
-Taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ee Iran Janaral Maxamed Baaqri.
-Taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka Iran Xassan Salaami.
-Taliyaha saldhiga Khaatumul-Anbiyaa Janaraal Gulam Calo Rashiid.
Sidoo kale saynisyahanada la dilay ayaa waxaa kamid ah;
-Barfasoor injineermimada Nukliyeerka Axmad Raddaa Dul-Faqqaar.
-Saynisyahanka dhanka Nukliyeerka Mahdi Dahraanji.
-Saynisyahan kale oo dhanka Nukliyeerka Fariidoon Cabbaas.
Sidoo kale warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegayo in shirqoolka sidoo kale lagu dilay maamulaha Jaamacada Islaamiga ee Azzaad, Maxamed Mahdi Dahraanji.
Weerarka sidoo kale waxaa ku dhaawacmay la taliyihii Aayatullaahi Cali Khumeyniga Iran u qaabilsanaa dhanka weerarada Israel ninka lagu magacaabo Cali Shamkhaani, kaasoo dhaawaciisa xooganyahay isbitaalkana lagu dabiibaayo.
Iran ayaa ku hanjabtay in weerarka Israel ay jawaab deg deg ah ka bixin doonto, xaalada ayaana hada u muuqato mid faraha kasii bixi doonto.