War cusub oo ka soo kordhay Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur

Dib u dhac ayaa ku yimid Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur oo shalay ka bilaabatay magaalada Muqdisho maantana lagu waday in dib la isugu soo laabto.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa shalay ku amartay xeer ilaalinta Qaranka iney 24 saac ku soo dhameystiraan cadeymaha la xiriira dacwadaha ay ku soo eedeeyeen C/raxmaan C/shakuur, iyadoo ku gacan seyrtay shan cisho oo xeer ilaalintu dooneysay in dib loo dhigo dacwada.

Warar ku dhow Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegaya in warqada Maxkamada ka soo baxday saaka 9:00 subaxnimo loo geeyey xeer ilaalinta, ayna xiligaas ka bilaabatay 24ka saac ee loo qabtay oo ku eg beri 9:00 Subaxnimo waana raas sababta keentay dib u dhaca ku yimid Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur.

Warar kale ayaa sheegaya in siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka soo jeeda beesha Hawiye ay xabsiga ku booqdeen C/raxmaan C/shakuur ayna wadeen qorshe qaab damiin ah looga sii deyn lahaa xabsiga, hase ahaatee ilo wareedyo ayaa allbanaadir.com u sheegay in siyaasigan uu diiday inuu ka baxo illaa laga cadeeyo inuu dambi leeyahay iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -