Allbanaadir.com
NEWS

Xubno kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay kana hadlay Sababta ay usoo goosteen

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa kusoo bandhigay magaalada Baydhabo dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda.

Xubnahan lasoo bandhigay ee kasoo goostay Al Shabaab oo gaarayay ilaa saddex xubnood ayaa magacyadooda ku kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed,Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Raggan kasoo goostay Al Shabaab ayaa sheegay in muddo ah katirsanaayeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna xuseen in ay kasoo tageen kooxdaasi kaddib markii ay la kulmeen dhibaatooyin badan, sidoo kale ku qanci waayeen hab-dhaqanka kooxdaasi.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kusoo badanayay muddooyinkii lasoo dhaafay xubnaha kasoo goosanaya kooxda Al Shabaab, kuwaa oo isku soo dhiibayay ciidanka dowladda, waxaana xubnahaasi badankood la geenayay xarumo dhaqan-celin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark oo Muqdisho yimid iyo Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Wadamo Reer Galbeed oo Raali galin siiyay Turkiga iyo Erdogan oo ka laabtay Amar uu bixiyay

Cabdi Cade

Nin jabsaday Bogag badan ay ku jiraan kuwa Joe Biden iyo Obama oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---