Amiirka dowlada Qatar oo Soomaaliya u soo Magacaabay danjire cusub

Amiirka dalka Qatar ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub bedelayaa Safiirkii hore Xasan Bin Xamzah.

Abdallah Salim Nasser Al-Holie oo ah Diblomaasi Sare oo ka tirsanaa Wasaarada arrimaha dibeda Qatar ayaa noqday safiirka cusub ee dallkaas uga wakiilka ah Somalia,

Safiirkii Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamzah ayaa munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho, kaddib markii ay u dhamaatay shaqadii Safiirnimo oo muddo 8 Sano uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Soomaaliya.

Safiirkii hore Xasan Bin Xamzah ayaa lagu ammaanay doorkii uu ku lahaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin kale.

Qatar ayaa ah dalka labaad ee mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo sama fal ka fuliyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay

Mashaariicdaas waxaa ka mid ah mashruuc dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale waxaa dhowaan la bilaabi doonaa Wadada Balcad iyo Jowhar.

Qatar ayaa ah dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo is bedel ku samweya Safiirkii Soomaaliya u joogay tan iyo markii uu talada dib u qabtay Madaxweyne Xassan Shiikh, horay Imaaraadka Carabta ayaa Safiir cusub ugu soo magacawday Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -