Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Shiinaha uga qayb galay Shirka FOCAC

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qayb-gashay Shirka heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aannada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Shiinaha. Waxaa Soomaaliya uga qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo hoggaaminayey wafdi heer sare ah

Wasiir Cabdisalaam wuxuu aad u soo dhoweeyey ballanqaadyada cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Wang Yi, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo sugnaanta cuntada. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinuhu ka qaadanayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in ballanqaadyadaasi ay waafaqsanyihiin himillooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasilooni, koboc iyo dib-u-dhis.

Wasiirku wuxuu xusay in 25-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aas’aasay Madasha FOCAC, ay Afrika ku tallaabsatay horumar la taaban karo, laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha, ilaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi oo sii ballaaranaya. Wuxuu ku tilmaamay FOCAC inuu yahay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya waxa ay tahay saaxiibtinimo dhab ah oo aan ku salaysnayn hadal kaliya, balse ay horseedayso natiijooyin muuqda oo wax ku ool ah.

Soomaaliya, ayuu sheegay Wasiirku, waxay si buuxda u garab-taagantahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo ay hoggaan u tahay wada-shaqeyn ku saleysan ixtiraam iyo daahfurnaan. Wuxuu si cad u muujiyay mudnaanta ay Soomaaliya siineyso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo, iyadoo fursad u aragta iskaashiga Shiinaha mid wax ka tari kara yoolalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cafis u fidiyay Fanaan Caan iyo Wiil uu dhalay oo Gabdho Ciyaal iskuul ah kufsaday

admin

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo si xun u karbaashay Ilhan Cumar iyo dalka ay ka soo jeedo ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---