Trump oo si xun u karbaashay Ilhan Cumar iyo dalka ay ka soo jeedo ee Somalia

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale bilaabay weeraradiisa ka dhanka ahaa Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareska Mareykanka.

Isagoo la hadlayey taageerayaashiisa ayuu sheegay in haweeneydan ay dooneyso inay Mareykanka ka dhigta sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale.

Waxa uu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay inay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleysta doorashada dhici doonto bisha Nofembar.

“Waxay jeclaan lahayd inay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale- Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa inay noo sheegta sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump.

Hadalka Trump ayaa si weyn loo cambaareeyay. Qaar ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa ku tilmaamay inay tahay khalad in Trump uu weerar ku qaado Ilhaan oo tacsi ku jirta kadib geerida aabaheed oo afar maalmood ka hor u geeriyooday xannuunka COVID-19. Qaar kale ayaa xusay in Ilhaan ay tahay muwaadin Maraykan ah islamarakana aysan habbooneyn in Trump uu la xiriiriya dal ay ka soo qaxday iyadoo caruur ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -