Allbanaadir.com
NEWS

Muungaab oo amar siiyay guddoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay arrimaha isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah iyo howlaha dib-u-dhiska kaabayaasha.

Duqa Muqdisho ayaa faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, si shacabka Caasimadda ay usoo doortaan Golayaasha deegaanka iyo cida hogaanka u qaban laheyd.

Muungaab, ayaa u sheegay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay jiri doonaan isla xisaabtan, waxa uuna faray guddoomiye degmo kasta looga fadhiyo in shaqadiisa laba laabo.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Aminga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud, ayaa sidoo kale Maamulada Degmooyinka lagu faray dar-dargelinta adeegyada Dowladda Hoose, dib-u-dhiska kaabayaasha, amniga iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Related posts

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 36 nin oo ajnabi ah (Sababta)

Caydiid Ali

Nin saaxiibtiis kusoo dilay dalka Mareykanka oo ka baxsaday xabsi kuyaalla dalka Kenya

Cabdi Cade

Qorshe meesha looga saarayo Xildhibaanada Ahlu Sunna ku leedahay Baarlamaanka Galmudug oo socda !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---