Madaxweyne Cafis u fidiyay Fanaan Caan iyo Wiil uu dhalay oo Gabdho Ciyaal iskuul ah kufsaday

Madaxweynaha dalka Tanzaaniya John Magufuli ayaa cafis u fidiyay Fanaan caan ka ah dalkaasi iyo Wiil uu dhalay oo lagu helay dambi ah in ay kufsadeen Caruur .

John Magufuli ayaa munaasabada Maalinta Xuriyada dalkaasi uga dhawaaqay in uu cafis Madaxweyne u fidiyay fanaanka Nguza Viking iyo Johnson Nguza, kuwaa oo lagu helay in ay kufsadeen 10-gabdhood ciyaal iskuul ah.

Madaxweynaha ayaa cafis u fidiyay tiro maxaabiis ah ay ku jiraan Fanaanka iyo Wiilkiisa, waxa uuna Madaxweynaha sheegay dadkaan uu cafiyay in ay habdhaqankooda bedeleen lana dhaqan celiyay.

Dadka u dooda Xqauuqda aadanaha ee dalka Tanzaaniya ayaa aad ula yaabay cafiska loo fidiyay labadan ruux ee lagu helay in ay kufsadeen gabdho ciyaal iskuul ah, kuwaa oo saameyn ku yeeshay kufsiga loo geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -