Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan si adag uga hadlay odayaal iyo ganacsto lagu xiray Gaalkacyo

Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaa;lka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay odayaal dhaqmeed iyo ganacsato kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed oo lagu xirxiray waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley, ayaa sheegay in uu si adag u cambaareenayo ugana xunyahay beegsiga lagu hayo dadka reer Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay falka ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ka fogyahay dhaqankeenna iyo diinteena islaamka.

”Qof shaqsi ah haddii uu dil geysto waxaa dilkaas loo soo qabtaa qofka geystay haddii la waayo qaraabada hoose ee uu ka dhashay- taas oo muujineysa ilaalinta sharciga iyo kala danbeeynta nidaamka dowladnimo” ayuu yiri xildhibaan Jilley.

Waxa uuna intaasi kusii dary xildhibaanka ”Raggan ganacsatada ah waxey u xiranyihiin muddo Seddax maalmood ah oo ay xorriyadooda u weysanyihiin waa beel dagan Maamulka Puntland, waxeyna ku andacoonayaan nin waa hore lagu diley Koonfurta Soomaaliya ayna ku tuhmayaan inuu reer Koonfur Galbeed yahay ninka dilay ninkaas”.

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale sheegay in Koonfur Galbeed degaan 20-qabiil oo kala duwan, waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay in beel kasta dhibaatada ay geesato iyada si gaar ah loogu raadsado, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in bulsho dhan loo bartilmaameedsado in Koonfur Galbeed kasoo jeedaan.

”Koonfurgalbeed waxaa dagta in ka badan 200 qabiil, beel dhibaato geystayna waxaa loo raadsadaa beesha gaarka ah ee dhibta geeysatay ee bulsho dhan looma bartilmaameysto, arintaan waxey abuuri kartaa dhaqan aan wanaagsaneyn sababtoo ah Koonfurgalbed waxaa ku nool dad reer puntland ah oo soo galay deegaanada koonfurgalbeed ku dhawaad 50sano kahor, soomaali wey wada dagantahay waxaa haboon in la ilaaliyo wada daganaashaha iyo dhaqanka soomaaliga ah” ayuu yiri xildhibaan Jilley.

Ugu dambeyn xildhibaanka , ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay soo faragaliyaan arrintan ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayna booliiska deg deg ula xisaabtamaan dadka ku kacay falkan xarriga ah ee loo geestay odayaasha iyo ganacsatada kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo Eedeyn culus u jeediyay Madaxda dalka ugu sareysa 

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & danjiraha Itoobiya ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkadda Ethopia Airlines oo Been abuur ku tilmaantay war si weyn warbaahinta u baahisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---