Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ka hadashay Sababta Gaalkacyo loogu xiray odayaal kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida siweyn loogaga hadlayey shaqsiyaad ka soo jeeda deegaamada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu xiray gudaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali (Jifi-jabsade) oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey in raggaasi ay sifo sharci darro ah ugu xiran yihiin shaqsiyaad gaar ah, isagoo sheegay in xarigoodu ku yimid dhabbe wadar ogol ah sida uu hadalka u dhigay.

Jifi-jabsade ayaa sheegay in raggaasi mid kamid ah ehelkoodu uu diley nin reer Galkacyood ah muddo 19 sano kahor ah, xilligaasna loo dhoofiyey dalka Yemen, ayna labada ehel ku heshiiyeen in la xiro raggaasi si magta looga soo bixiyo.

“Iyagaa raali ka ahaa oo waaku soo wada heshiiyeen qabiilka oo waxay yiraahdeen si kale wax ku imaan mayaane hanala xiro, reer Baydhabood, reer Jawhar iyo reer Kismaayood waa isugu kaaya mid waa dooranaa inuu na xukumana waa ogolnahay, 19 sano kahor ayey nin dileen waxaana laga soo saari waayey magtii”, Ayuu yiri Jifi-jabsade.

Xariga odayaashan kasoo jeeda deegaannada maanulka Koonfur Galbeed loogu geestay magaalada Gaalkacyo , ayaa abuuray hadal heyn iyo cambaareyn, waxaana Punttland loogu baaqay in dadkaasi si degdeg ah xuriyadooda loo siiyo.

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo ansixiyay hindise Muhiim ah

Caydiid Ali

Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo laga helay caabuqa Coronavirus

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo la wareegay goobaha ay ka dhacayso doorashada Jubaland & Somaaliland oo xaalku ku xunyahay !!

admin
Taboola Ads ---