Saraakiil ka howlgalayey garoonka Aadan cadde oo la xiray & dembi culus oo loo heysto

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay iney la xirxiray saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska oo garoonka Aadan cadde ka waday howlo iskugu jira sharci daro iyo musuq.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in saraakiishaas la soo taagayo Maxkamad, loona gudbiyey xeer ilaalinta Qaranka, iyadoo sidoo kale qoraalka lagu xusay in lagu daba jiro saraakiil kale oo falkan ku lug lahaa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

War saxaafadeed.

Muqdisho, Abriil 19, 2023: Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa kaddib howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyey garoonka Aadan Cadde ee magadaalada Muqdisho waxa uu gacanta ku dhigay Shan Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.

Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsataya dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha.

Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo Kiiskan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda.

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo katirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqa.

Dhammaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -