Dowlada Itoobiya ka digtay Warar si weyn looga baahiyay Xaalada Abiy Axmed

Baraha bulshada waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu baahinayay warar sheegaya in xaalada caafimaad ee Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Abiy Axmed laga deerinayo, waxaana warkan si weyn ugu faafay gudaha Itoobiya.

Dad u badan mucaaradka Abiy Axmed ayaa si weyn usii faafiyay warkan shakiga lagu galiyay xaalada caafimaad ee Ra’isul Wasaaraha, waxaana warkan dadka uga aragti dhiibteen siyaabo kala duwan oo iska soo horjeeda.

Dowlada Itoobiya oo darba dareentay saameynta uu reebayo warkan laga baahiyay xaalada caafimaad ee Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa been abuur ku tilmaantay warkaasi baraha bulshada lagu baahiyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa shacabka dalkaas looga digay ‘wararka been abuurka ah’ ee laisla dhexmarayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee laisla dhexmarayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook.

Dowlada ayaana faah faahin ka bixin shakiga la galinayo xaalada caafimaad ee Ra’isul Wasaare Abiy, dadka qaar ayaana aaminsan in ay wax ka jiraan warkan sida weyn baraha bulshada ugu baahay ayna dowlada wax qarineyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -