Allbanaadir.com
NEWS

Calanka Maxcio oo laga taagay Los Angales iyo Aqalka Cad oo ka carooday

Calanka Mexico ayaa astaan noqday mudaharaadyada ka socda magaalada Los Angels e gobolka California, ku waas oo looga soo horjeedo siyasadaha socdaalka ee Madaxweyne Trump.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa la arkayey dadweyne dibaxyo nabdoon dhigaya oo lulaya calanka Mexico. Sidoo kale calanku wuxuu ka lushaa qaybo ka mid ah jidadka waa weyn ee magaalada Los Angels, halkaas oo lagu arkayo asagoo la suran oo suran wadada hareeraheeda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo qaar kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka Trump ayaa dhaleeceeyey dadka calamada shisheeye sitao o ay ku tilmaameen col soo duuley.

Stephen Miller oo madaxweyne Trump u ah lataliye sarecambaareeyey waxa uu ugu yeeray “shisheeye calamo shisheeye luxaya oo carqaladeynaya hawlaha hay’adaha ammaanka dowladda federaalka ah ee doonaya in ay dalka ka eryaan shisheeyaha ku soo duuley”.

Laakiin dadka calamada sita ayaa sheegaya in calanku ka turjumayo wax ka weyn muwaadinnimo, taas oo ah in uu muujinayo hiddahooda, maadaama inta badan dadka gobolkan deggen ay asal ahaan yihiin Mexican.

“Calanku wuxuu ka turjumayaa aqoonsi qoys, hidde iyo dhaqan soo jireen ah”, ayey tiri J. Gradilla oo wax ka dhigta jaamacadda California State University ee Fullerton.

Related posts

Tartankii degmooyinka G/Banaadir oo caawa la soo xiray (Yaa ku guuleystay)

Caydiid Ali

(Akhriso) Hanti-dhawrka Qaranka oo ka hadlay go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada DF

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle & guddoonka labada aqal ee Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---