Allbanaadir.com
NEWS

Muungaab oo deeq ku wareejiyay ciidanka Macawuusleyda Hiiraan (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daawooyin ugu deeqay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaalama Ciidamada Xooga dalka kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan.

Deeqdaan ayaa waxaa guddoomay Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyadoona Duqa Muqdisho uu sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca Deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta.

Munaasabadda uu Duqa Muqdisho ku wareejinaayay Deeqdaan waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin kala duwan, Siyaasiyiin, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee hormuudka Haweenka Gobolka Banaadir.

Ciidamada Macawuusleyda gobolka Hiiraan, ayaa dagaallo adag kula jira looxda Al Shabaab oo qorsheeneysa in ay dib ula wareegaan deegaanno gobolkaasi katirsan oo horey looga saaray.

Related posts

RW Somalia oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab & Ciidanka Liyuu Boolis

Caydiid Ali

Danjiraha Somalia oo Madaxweyne João Manuel ku wareejiyey..

Caydiid Ali

Muxuu yahay heshiiska cusub ee dowlada Soomaaliya dhowaan la galayso Kenya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---