(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle & guddoonka labada aqal ee Somalia?

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa qasriga madaxtoyada Djibouti kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah, iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay walaalahoodi Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed.

Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan.

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, halkaasoo ay kulamo kala duwan kula qaateen madaxda dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -