Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Sh. Max’ed Suleymaan (Gacameey) & ilaalo la socotay

Howlgal ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen degaanka Gamboole ee gobolka Sh/dhexe ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Saraakiisha Danab ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan ujeedkiisu ahaa baacsiga saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

“Ciidanka Kumaandooska ayaa ku guuleystay qaarijinta horjoogihii al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Maktabka dacwada Sh/dhexe kaasoo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Suleeymaan (Gacameey) sidoo kale ciidanka ayaa halkaasi ku dilay saddex maleeshiyaad ah oo lajoogay horjoogaha” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Danab oo la hadlayey warbaahinta dowlada.

Al-shabaab dhankoodakama hadlin weerarkan, loogamana baran iney ka hadlaan dhacdooyinka noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -