Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay xubno badan oo katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo dee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, kusoo qab qabtay xubno badan oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Taliska ciidanka Nabad sugida ee maamulka Koonfur Galbeed  ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab , kuwaa oo ciidanka siyaabo kala duwan kusoo qabteen.

Saraakiisha ciidanka NISA ayaa sheegay in kooxdan katirsan Al Shabaab lagu soo qabtay howlgalo kala duwan ay ciidanka ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale deegaannada kale ee ku xeeran.

Raggan ay ciidanka nabad sugida soo bandhigeen ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaayeen jabhadaha iyo sidoo kale aruurinta canshuuraha, waxa ayna raggan qaarkood qirteen in Al Shabaab katirsan yihiin.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa marar badan gacanta ku dhigay xubno badan oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo si dhuumaaleysi ah shaqadooda uga waday deegaanno dowladda maamusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -