Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Abuu Mansuur oo arrimo muhiim ah kala hadlay Dr. Ali Erbash.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta (DIYANET) ee Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Prof. Dr. Ali Erbash.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyey mas’uuliyiinta Turkiga taageerada shuruud la’aanta ee dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Milliteriga iyo Difaaca ay u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo ay Soomaaliya ka jirtey abaar ba’an oo saameysey dadka iyo duunyada.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Arrimaha Xajka Turkiga ee magaalada Makka ayaa lagu soo hadal qaady qaaday xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda DIYANET- ka ee Dalka Turkiga.

Abuu Mansuur , ayaa sidoo kale kala hadlay Dr. Ali Erbash sidii looga taageeri lahaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dhisidda Hay’adda Awqaafta, Sanduuqa Diiwaanka Zakada iyo tababarada khubarada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka qeyb qaaadanaya aasaaska iyo dhisidda hayadaha Awqaafta iyo sanduuqa Zakada Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee Xukuumada Federaraalka Soomaaliya ay hiigsanayso shanta sano ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo eedeymo kulul u jeediyey dowlada federaalka Somalia

Caydiid Ali

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday labo Eedeysane (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War-murtiyeed 10 qodob ka kooban oo kasoo baxay Shir Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---