Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Isra’il oo xoog kula wareegay Doonta Madeleine ee Qasa u socotay

Ciidamada badda maamulka Israa’iil, ayaa saakay xoog ku galay lana wareegay doonta Madeleine ee qorshaheedu ahaa in ay jabiso go’doominta Israa’iil saartay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin, si magaaladaasi gargaar loo gaarsiiyo oo loo badbaadiyo nolosha dad badan oo baahi u dhimanaya.

Doonta Madeleine, ayaa safarkeeda kasoo bilowday dalka Talyaaniga, waxaana doonta la socda shaqsiyaad caan ah iyo xildhibaan katirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaa oo doonayay in hormuud u noqdaan sidii go’doominta Israa’iil saartay Qasa looga qaadi lahaa.

Ciidamada badda Israa’iil, ayaana gudaha u galay doonta Madeleine , waxa ayna ciidamada doonta u jiideen dhinaca deked ku taal magaalada Ashdood, halkaas oo ciidamada Israa’iil su’aallo ku weydiinayaan dadka la socda doonta ay saaran yihiin samafalayaasha reer Galbeedka u badan.

Doonta Madeleime ay la wareegeen ciidamada Israa’iil , ayaa mutadawaciinta saaran ujeedkoodu ahaa in ay go’doominta ka qaadaan marinka Qasa oo ay halkaasi geeyaan gargaar, sidoo kale xaaladda halkaa ka jirtana usoo bandhigaan dunidda.

Israa’iil, ayaa godoomintii ugu xumeyd muddo 19 bilood ah saartay magaalada Qasa, waxaana halkaasi baahi ka dhalatay raashin la’aanta ugu dhimanaya carruur iyo dad kale, waxaa sidoo kale Qasa ka jirta xaalad adag oo quus ah, halkaas oo maalin kasta dad badan oo shacab ah lagu leynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

TPLF oo qeylo dhaan u dirtay Beesha Caalamka xilli uu xaalka kusii xumaanayo

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Maxkamada ciidanka DF oo gaaray furumaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay Cabdi Juusto iyo Sababtii ay u dileen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---