Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha dalka Suuriya oo amaan kala dul dhacay xaaskiisa !

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa ku ammaanay xaaskiisa , Latifa al-Droubi inay marxalad kasta garabkiisa ahayd, wuxuu dib u xusay inay la joogtay waqtiyo kala duwan oo uu gabbaad ka dhiganayay gododka buuraha hoostooda, isagoo xaqiijiyay inay 49 god markii uu ku dhuumanayay dhinaciisa ahayd illaa uu xataa sheegay inay xero lagu xareeyo digaagga ku wada hoydeen..! Sharac, waa 42 jir , halka Latifa -na ay tahay 41 sanno jir.

Marwada koowaad ee Suuriya, Latifa al-Droubi waxaa awoowe u ah Ra’iisul wasaarihii labaad ee Suuriya, Aladdin al-Droubi. Waxay heysata shahadaada heerka labaad ee jaamacadda oo ay ku diyaarisay luuqadda carabiga iyo suugaanta.

Madaxweyne Axmed Sharac, ayaa isagana kasoo jeeda qoys caan ah dalka Suuriya,  aabbihii waa injineer dhinaca batrool oo nolashiisa aad u sarreyso, halka Madaxweynaha  adeerkii muddo dheer uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda dalka Suuriya.

Lamaanahan ayaa labaduba ka soo jeedaan qoysas ladan oo taariikh ku leh siyaasadda Suuriya , oo xataa waxay awoodeen inay waddooyinka magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka , ku lugeeyaan, halkii ay gododka ku yaal buuraha hoostooda midba habeen u hoyan lahaayeen,balse halgankoodii dheera, waxay ahaayeen kuwa adkeysi muujiyay illaa ay bannaanka usoo baxeen oo ay noqdeen kuwa ka mira-dhaliya mowqif kasta oo ay doonayeen inay natiijo ka gaaraan.

Hadafka kasta wuxuu u baahanyahay adkaysi, dadaal iyo hal-abuur, nolasha si hadyad ah uma bixiso guusha, waana midda maanta guusha u horseeday Madaxweynaha da’da yar ee talada dalka Suuriya xoogga kula wareegay, balse muddo kooban is beddel loo riyaaqay ku sameeyay.

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Filish oo bilaabay arrin halis Ah & Qoor-qoor oo ka dalbaday Mucaaradka..

Caydiid Ali

DFS oo War kasoo saartay Howlgal lagu laayay xubno badan oo Al Shabaab ah

Cabdi Cade

Shirkadii shanaad oo duulimaad heer caalami ah ka bilaabeysa garoonka Aadan Cabdulle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---