Jidadka Muqdisho qaarkood oo caawa caro tuur lagu jaray (Maxaa soo kordhay)+Sawirro

Ciidamo ka tirsan milateriga diidanaa muddo kororsiga ee maalmo ka hor ka yimid gobolka Sh/dhexe ayaa caawa caro tuur ku xiray qaar ka mid ah jidadka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Meelaha ciida lagu jaray ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Fagax, Jungal, Siisii iyo qeybo kale oo ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Ciidamadan ciida ku jaray jidadka oo sida wararku sheegayaan uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Saney Cabdulle ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in talaabadan ay qeyb ka tahay qorshe lagu xoojinayo amniga Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo barito u guuraya  agagaarka Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, waxaana meesha ka baxay dhiiladii colaadeed ee maalmahan ka taagneyd ka dib markii galabta RW Somalia uu shaaciyey in laga laabtay muddo kororsiga, lana qabanayo doorasho dadban, iyadoo dhinaca kale madaxda Galmudug iyo Hishabelle ay ka soo horjeesteen muddo kororsiga.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -