Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad Afrikaan ah sharci adag ku soo rogtay dadka jebiya amarada xakameynta COVID-19

Dadka reer Uganda ayaa wajahaya laba bilood oo xarig ah hadii ay jebiyaan sharci cusub oo ay dowladda ka soo saartay xakameynta xanuunka COVID-19.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofkii ku tukada banaanka, qofkii aan xiran af-saab ama Face Mask, qofkii wax ku iibiya banaanka, ama badeeco jidadka ku wareejiya la xirayo laga bilaabo bishan July.

Dowladda Uganda ayaa aaminsan in ficiladan ay yihiin kuwa faafinaya xanuunka COVID-19, iyadoo dalkaasi laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub.

Baaritaano dadka laga uruuriyay horaantii bishii tagtay ee June ayaa muujinaya in nooca Corona ee Delta ee markii ugu horeysay lagu arkay India uu yahay midka hadda ku faafaya Uganda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

CNN oo sheegtay in duqeyntii lagu hoobtay ee ka dhacday Rafax loo adeegsaday..

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo duqeymo khasaare geystay ka fuliyey degmada Jilib

Caydiid Ali

Taliye Mareykan ah oo sabab yaab leh shaqada looga eryey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---