Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan

Qoraal kasoo baxay Madasha Samata-bixinta, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga horyimid gogosha siyaasadeed uu fidiyay Madaxweynaha oo lagu wado in 15 ka bishan furmo.

Madasha Samata-bixinta warka ay soo saareen ayey ku sheegeen in gogosha fidsan iyo kulamada uu qabanayo Madaxweynaha 15-ka June iyo 22-ka June u arkaan in ay yihiin kuwo uu taageero ugu raadinayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa.

Waxa ay sheegeen mucaaradka , in tallaabooyinkan uu qaadayo Madaxweynaha ay dhaawaceyso niyad wanaaggii ay madashu ku qaabishay gogosha, sidoo kale ay niyad jebineyso shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka rajadii ay gogosha ka qabeen.

“Madashu waxay weli Madaxweynaha ka dhowreysaa gogol wada-xaajood oo loo dhan yahay, si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madasha Samata-bixinta.

Related posts

Caro xoogan oo ka dhalatay Jirdil booliiska Kenya u geesteen Arday Jaamacadeed

Cabdi Cade

Goob degmada Cadale looga dhisayo Garoon dayuuradeed oo la kormeeray (Sawirro)

Caydiid Ali

Qorshe lagu yareynayo ciriiriga ka taagan jidadka oo ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---