Ciidamada Al-Qassam — garabka milatari ee Xamaas ayaa maanta oo Sabti ah baahiyay muuqaal cusub oo laga duubay maxbuus Israa’iili ah, kaasoo si adag u dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay sii socoshada haynta maxaabiista ku sugan Gaza. Maxbuusku waxa kale oo uu ka hadlay duruufaha uu ku jiro.
Maxbuuska, Mataan Tsanjawkar, ayaa sheegay inuu gacanta ugu jiro Xamaas muddo ka badan 420 maalmood. Wuxuu yiri: “Waxaan maqlay qorshahaaga cusub inaad nagu soo celinayso guryaha, iyo in aad bixineyso $5 milyan oo la siinayo ciddii na soo celisa anagoo nool… Aad ayaan u niyad-jabsanahay, sababtoo ah waxaad muujisay in aadan aqoonin cadowgaaga ama niyadooda. Tani waxay caddayn u tahay guuldarradaada iyo tan dowladdu tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.”
Wuxuu intaas ku daray in cabsi ay qayb ka noqotay nolol maalmeedkiisa, wuxuuna yiri:
“Ilaaladu waxay noo sheegeen amarro cusub, aad ayaannu u baqaynaa… Aniga iyo asxaabtayduba waxaan u dhimannaa maalin kasta kun jeer, cidina nama dareemayso… Dadka Israa’iil, ha naga ilduufina. Weli waan noolnahay, waxaana rabnaa inaan laabanno ka hor intaanan waalan.”
Wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay dhibaatadiisa:
“Go’doominta way na dishaa, mugdiguna waa cabsi badan yahay… Ma aha wax macquul ah in annaga nalagu ciqaabo khaladaadka dowladda. Waqtigii wuu dhamaaday, waa in xanuunkeenna la joojiyaa.”
Mataan wuxuu diray fariin xanuun leh oo uu u dirayo hooyadiis, isagoo yiri:”Hooyo, waan ku arkaa, waan maqlaa dhaqdhaqaaqyadaada, aad baan ugu faraxsanahay inaad caafimaad qabto. Waxaan rajaynayaa inaan ku arko dhawaan, oo aan kula fariisto miis si aan u cuno, una cabo, una wada sheekysano.”
Ugu dambayn, maxbuuska ayaa sharxay duruufaha adag ee uu ku nool yahay gudaha Gaza:
“Nolosha halkan waa mid adag, waxaan ku noolnahay cunto yari, biyo aan la cabbi karin, iyo daawo aad u yar… Waxaan la noolnahay jiirro iyo caaro, ma hayno waxyaabaha nadaafadda, taasoo nagu keentay cudurro maqaarka ah iyo finan madaxa ah — xitaa saabuun ma haysanno.”