Allbanaadir.com
NEWS

Fasiraad laga bixiyay hadal dhaliyay dood uu jeediyay Madaxweyne Deni

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud ayaa fasiraad ka bixiyay hadal uu dhawaan sheegay Madaxweyne Deni, kaasi oo muran badan ka abuuray baraha bulshada.

Hadalka Madaxweyne Siciid Deni oo ku saabsanaa in la iib-geeyo waddanka ayaa dad badan, oo ay siyaasiyiin ku jiraan waxay ku fasireen mid uu qiil ugu raadinayo heshiisyo macdan qodis ah, oo shirkado shisheeye ku boobayaan macdanta kheyraadka Puntland.

Ha yeeshee, Wasiir Maxamed Faarax oo hadalkaasi fasiraad ka bixiyay ayaa caddeeyay in aysan jirin macdan iyo khayraad kale oo dowladdu xaraashayso, balse ujeedka Madaxweyne Deni uu ahaa mid ku saabsan dhiirra-gelinta Maalgashiga, si loo helo maalgelin waxtar leh.

“Iib-geyntii Madaxweynuhu sheegay waxa loo qaatay in Waddanka la xaraashayo, laakiin fahamku sidaasi ma ahayn, waxaan rabnaa in aan iib-geyno nabadda ka jirta waddankeena, waxaan rabnaa in aan iib-geyno in aan lee nahay ammaano, si dalkeena loo maalgashado” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland.

“Waxaa la rabaa sidoo kale in aan iib-geyno dad lala dhaqmi karo in aan nahay, waxaa la rabaa in iib-geyno dalkeenna baraf in uusan ka di’in oo qorrax helno sannadkii oo dhan, waxaan rabnaa in aan iib-geyno waddankeenu in ku wacan yahay beerasho iyo maalgashi” ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Faarax.

 

Related posts

Yaa Sharciga Ku Xadgudbay: Sheikh Shariif, Xasan Sheikh iyo Maxamed Farmaajo !?

Cabdi Cade

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qoorqoor iyo Wafdi la socda oo lagu soo dhaweeyay Godinlabe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---