Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Muungaab oo furay imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhaxe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe oo ay u fadhiisteen arday gaareysa 41, 639. Iyadoona uu yahay sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si Madaxbanaan u qaadayo Imtixaanka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu kor u qaadi
doonno tirada iyo tayada waxbarashada Gobolka Banaadir, si ardeyda ay u helaan waxbarasho tayo leh, asigoona dhinaca kale xusay in uu kordhin doonno helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah, waxa uuna guul u rajeeyay ardayda maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hambalyo u diray waalidiintii kusoo dadaashay in maanta ay heerkaan soo gaaraan ardeyda, waxa uuna boogaadiyay hey’addaha amaanka ee ku howlan sugida amniga goobaha Imtixaanaadka.

Munaasabadda Furitaanka Imtixaanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, Saraakiisha qaabilsan Imtixaanaadka iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka G/Banaadir.

Related posts

Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Sabriye iyo Sheekh Shaakir oo la kulmay Guddiga Qaban qaabada Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Magaalooyinka Israel oo lagu cararay & Wararkii u dambeeyey weerarka Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---